​General Koofi oo Garowe lagusoo dhaweeyay

Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia General Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo wafdi lasocda ayaa maanta soo gaaray magaalo Madaxda Puntland ee Garowe.

Mas'uuliyiin katirsan Xafiiska hay'addaas ku leedahay caasumadda Puntland, ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay garoonka diyaaradaha Canoco.

Mar uu saxaafadda hadal kooban siiyay General Koofi, wuxuuu ka hadlay socdaalkiisa Garowe iyo waxyaabaha uu ku saabsanyahay, isagoo sheegay inay kormeer iyo u kuur-gal ku samayn doonaan sida ay u shaqeeyaan xafiisyadooda.

Koofi ayaa tilmaamay in qorshihiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhinaca socdaalka islamarkaana u ogaan lahaayeen shaqada Laanta socdaalka Puntland.

Warar hoose uu helay GO, ayaa sidoo kale sheegaya in General Koofi socdaalkiisan ku saabsanyahay sidii xarigga looga jari lahaa dhisme cusub oo hay'addu ka dhisatay magaalada Garowe.

Safarkan taliyahan ayaa sidoo kale qayb ka ah socdaallo kala duwan oo ku marayay qaybo kamid ah maamullada Somalia.

Hay'adda socdaalka iyo jinsiyada Somalia, ayaa xafiisyo kala duwan ku leh magaalooyinka Puntland sida Bosaso iyo Garowe, waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato shaqaalaha iyo madaxda Puntland.

Koofi ayaa xilkan loo magacaabay wareegto 27 July 2016 kasoo baxday xafiiska Ra'isal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid kadib markii Cabdullaahi Gaafow booskaasi laga wareejiyay oo laga dhigay Taliyaha Nabad Sugidda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM