Go'aamo ka soo baxey kulan ka socday Madaxtooyada Puntland

Image
Image
Image
Image

Garowe [ GAROWE ONLINE]- Kulankii wada-tashi ee Madaxtooyada Garowe uga socday xubno ka tirsan Barlamanka Federaalka iyo dowlada Puntland kaasoo looga hadlayey xiriir joojinta soo noqnoqatey iyo sababhi keeney ayaa waxaa kasoo baxey go'aamo.

Dowlada Puntland ee Madaxweyne Cabdi-weli Cali Gaas Madaxweynaha ka yahay ayaa sheegetey i31 July,2014 in xiriirka u jartey dowlada Federaalka Somalia.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa xukuumadiisa u jartey xiriirka dowladda Federaalka kadib markii xadgudub ku sameeyeen Dastuurka balse waxaa shuruud la'aan kusoo celiyey xukuumada Madaxweyne Cabdiweli.

Kulankaan ayaa waxaa uu yimid maalmo kadib markii madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Key kulamo la qaatey madaxda dowlada Puntland iyo Issimada intooda ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Qodabada kasoo baxey kulankaan wadatashi ayaa waxaa kamid ahaa;

1- Dowladda Puntland iyo mudanayaasha Barlamanka waxey isla garteen in tabashooyinka iyo eedeymaha Puntland ka tirsaneyso dowladda Federaalka yihiin kuwa jira oo leh cadeymo dhab ah.

2- Mudanayaasha Barlamanka Federaalka Somalia waxay ka codsadeen dowlada Puntland iney bixiso fursad wadahadal muddo 30 berri gudahood ah laga bilaabo 20/8/2014, dowladda Puntland way ogolaatey codsigaas balse waxaa shardi ah in wadahadalkaas goob joog ka noqdaan beesha caalamku madaama heshiisyadii hore ee dowlada Federaalka iyo dowlada Puntland waxba ka hirgalin.

Halkaan hoose ka akriso qoralakaan oo dhameystiran.

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM