Puntland: Go'aano laga soo saarey dhibaatada shilin Soomaaliga

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga dowladda Puntland u xil-saartey dhibaatooyinka sarifka shilin Soomaaliga ee suuqyadda maamulkan xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aya soo saartey go’aano xal ah.

Shir jaraa'id oo guddiga ku qabtay magaala madaxda Garowe ayay kusoo bandhigeen go’aanadan wadahaladii lagu soo saarey ay qeyb ka ahaayeen; dowladda, siyaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato iyo wax-garad.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka guddiga, dowladda iyo ganacstada ayaa suuqa ka joojinaya faragelinta si uu iskiis isugu jaangooyo.

Dowladda iyo ganacsatada ayaa suuqa gelin doonan laba milyan Dooalar isla markaana laga saarayo laba milyan kale oo Shilin Soomaali ah. Tani waxaa looga dan-leeyahay in qiimo yeelato lacagta dalka.

Hoos ka daalaco nuxurka go’aanada uu soo saarey guddiga

Guddiga ayaa isku raacay in la socod-siiyo shilin Soomaaliga si loosoo celiyo kalsoonidii lagu qabay sarifka shilinka

Dowladda iyo ganacsatada ayaa iska-kaashanaya in Bangiga Dhexe lagu xareeyo lacagta ku badan suuqa si loo gaaro xal waara

Dowladda Puntland ayaa xareyneysa kala bar lacagta culeyska ku keentay suuqa, halka ganacsatada ay kalka dambe xareynayaan.

Ganacsatada iyo Dowladda ayaa kawada shaqeynaya socod-siinta shilin Soomaaliga iyo xalinta dhibaatada suuqa taala

Dowladda ayaa la isla-qaatay in ay canshuurta dekadda ku qaado 20 boqolkiiba ayna mushaharka iyo adeegyadda kale ku bixiso 20 boqolkiiba. Sidoo kale, waa ganacsatada socod-siiyo shilin Soomaaliga ayaga oo Bangiga Dhexe ee dowladda dhiganaya shilin Soomaaliga si ay u helaan meelo ay ku keydsadaan isla markaana ay si fudud ugu kala wareegaan ayaga oo isticmaalaya akoonada dowladda.

Guddiga ayaa shaaciyey in meesha laga saarey kala duwanaanta ka jirtay sarifka suuqa xorta ah iyo dowladda Puntland – taas oo macnaheedu yahay in sicirka lagu jaangooyo sicirka suuqa xorta ah [Bangiga Dhexe ayaa si maalinle ah u jaangoynaya sicirka sarifka isla markaana isha ku hayana ganacsatada isku dayda in ay baalmarto kuna dhaqaaqdo ficilada sharci darada ah].

Ganacsatada ayaa lagu wargeliyey in la mamnuucay in shilin Soomaaliga loo kala safriyo gobolada Puntland isla markaana ay Bangiyadda dhigtaan cadad kasta oo lacageed kuwaas oo shilin Soomaali ahaan u haystaan. [Tusaale ahaan, shilin Soomaaliga aad dhigato xarunta Bangiga dowladda ee Gaalkacyo, waxaad ka qaadaneysaa Boosaaso].

Dowladaha Hoose ayaa la faray in ay canshuuraha gaar ahaan kuwa dejinta baabuurka, horumarinta degmooyinka iyo nooc kasta oo canshuuraha maalinlaha ah ee laga uruuriyo suuqyada magaalooyinka ay ku qaadaan shilin Soomaali

Shirkadaha ka ganacsatada adeegyadda dadweynaha tusaale ahaan korontada waxaa la faray in ay dardargeliyaan isticmaalka shilin Soomaaliga.

Guddiga ayaa shaaciyey in xayiraadii laga qaadey lacagta telefoonada la isugu diro taasoo xukuumadda horey amar uga soo saartey ayna sheegtay in aan la isugu diri karin wax ka badan ugu yaraan hal doolarka Mareykanka.

Qoraalka guddiga

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM