Go'aano laga soo saarey shirka nabadeynta Saax-maygaag

Image
Image
Image
Madaxweyne Ku-xigeenka oo hore u iclaamiyey shirkani ayaa maanta si rasmi ah uga furay degaanka Hadhwanaag.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo hore u iclaamiyey qabashada shirkani ayaa maanta si rasmi ah uga furay degaanka Hadhwanaag, sida ay sheegtay Madaxtooyadda Puntland.

Kulanka waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Isimada qaybta ka ah nabadaynta, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, waxaana laga soo saaray go'aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada-noolaashaha beelaha walaalaha ah.

Go'aamadaas oo ka kooban afar qodob ayaa kala ah.

1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.

2.kala rarista ciidamadii dirirtu dhex martay.

3.In dowladu la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.

4.Dowladu waxay magacaabay gudi kormeera qodobad lagu heshiiyey fulintooda.

5.In cidii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM