Gogol Nabadeed oo la dhigay deegaanka Qorilay gobolka Sool [Dhagayso]

Image

08 Octobar, 2015(GO)-Waxgarad ka socda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku wajahan deegaanka dhawaan colaaddu ka dhacday ee Qorilay oo ka furmayo shir looga wadahadlayo dhibkii dhacay.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Isimada Puntland oo la hadlay Radio Garowe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhammaaynta colaada u dhaxaysa laba beelood oo wada daga Puntland, waxaana uu sheegay  in Qorilay ku suganyihiin waxgarad kale.

Wafdiga isimadda Puntland ayaa, weli gaarin deegaanka sababo la xiriira jidka oo Roob xiray, waxaana Suldaanku sheegay in labada beelood ogolaadeen nabadda.

Bulshada qaybahooda kala duwan ayuu u soo jeediyay inay ka qayb qaataan sidii nabad waarta loo dhex dhigi lahaa beelaha walaalaha ah.

Garaase, ayaa tilmaamay in gogasha nabadeed loo dhigay dadka ka soo jeeda deeganada Qorilay iyo Magaclay oo dhawaan dirir dhexmartay sababtay dhimashada ku dhawaad 20 ruux.

Waa markii ugu horaysay waxgarad intaa le'eg tagaan deegaankaasi, maadama colaadda labada beelood aysan ahayn markii ugu horraysay oo soo jiitamaysay muddo ku dhow 10 sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM