Golaha degaanka degmada Qardho oo xulashadiisa bilaabatey

Image

Sept 5, 2015 (GO)- Wasaaradda arimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Puntland ayaa sheegtay inay bilaabatay xulista golaha deegaanka degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

Maxamed Muuse Ismaaciil isu-duwaha wasaaradda arrimaha gudaha gobolka Karkaar ayaa sheegay inuu rajaynayo xulista golaha deegaanka  Qardho in lagu soo gabagabeeyo bishan gudaheed.

"Bishan gudaheeda ayaa la rabaa inay kusoo dhamaato xulista golaha deegaanka Qardho,waa inay beeluhu diyaarsadaan xildhibaanada matalaya, marka ay soo diyaagraoobaan ayaa doorashadu hacaysaa" ayuu yiri Isu-duwaha wasaarada.

Isu-duwaha ayaa tilmaamay in wakhtigii golaha deegaanka degmadaaasi soo idlaadatay isla markaana loo baahan yahay in la soo dhiso gole kale.

‘’Golaha deegaanka Qardho wuxuu la mid yahay golayaasha deegaanka ee waqtigiisu uu dhamaaday lana soo dhisayo’’ayuu yiri mudane Muse.

Xilka gudoomiyaha degmada Qardho ayaa waxaa isu soo taagey xubno farabadan kuwasoo bilaabey ololihii ay ku hantiye-lahaayeen kalsoonida shacabka.

Dhinaca kale xulista xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socotay xarunta ganacsiga Puntland iyadoo dib u dhac weyn ku yimid kadib markii la dhaafey mudadii 45 cisho aheyd ee madaxweyne Gaas u qabtey in lagu soo dhiso.

Golaha degaanka magalada Qardho ayaa ah kan kaliya ee madaxweyne Gaas uusan kala dirin isagoo horey wareegto ku kala direy golayaasha degaanka Garowe iyo Bosaso iyagoo waqtigoodii bilo ka dhiman tahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM