Golaha degaanka Galkacayo oo digniin u direy duqa degmada

Image

GALKACAYO Jan 26 2015 [GO]- Waxaa maalmahaan soo kordhayey khilaaf u dhexeeya golaha degaanka degmada Galkacayo kuwaasoo dhowaan la soo dhisey.

Xildhibaano ka tirsan golaha degaanka intooda badan ayaa dhaliilsan nidaamka shaqo ee gudoomiyaha degmada Galkacayo iyo ku-xigeenkiisa kuwaasoo lagu eedynayo shaqo gudasho la'aan iyo waayo aragnimo la'aan.

Wararka Garowe online helayo ayaa sheegaya khilaafkaan iyo dacwooyin ka dhan ah maamulka degmada soo gaareen xafiiska madaxweynaha dowlada Puntland.

Xildhibaan Maxmed Muuse Ayax oo maanta la kulmey saxaafada ayaa ka hadley xaalada amaan ee magaalada Gaalkacyo, waxa uuna  dhaliil u jeediyay maamulka degmada Gaalkacyo isagoo xusey hadii aysan wax ka qaban ay la xisaabtamidoonaan.

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu dib u dhacdey booqasho la filayey in madaxweynaha Puntland ku tago gobolka Mudug sababo aan la shaacin.

Srakaal ka tirsan maamulka gobolka Mudug oo diidey magaciisa in aan faafino ayaa warsidahaan u sheegey in sababta safarka madaxweynaha Puntland dib ugu dhacdey tahay xaaladaha siyaasdeed ee gobolka ka jirta.

Magaalda Galkacayo ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in maalmahaan ka socdaan shirar siyasadeed oo looga arinsanayo arrimaha gobolka ka taagan iyo siyaasada dowlada dhexe ee ku aadan xalintooda. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM