Golaha Wakiilada Puntland oo guddi u magacaabay shiqaaqadii Sheerbi

Image

Sheerbi, Soomaaliya - Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta ka hadlay shiqaaqadii ka dhacay deegaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar iyo khasaaraha ka dhashay iyo dadaallada la sameeyay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa muujiyay ahmiyadda ay leedahay in arrintaas xasillinteeda uu qeyb uga qaato golaha, waxa ayna ku dhawaaqeen guddi ka kooban 5 Xubnood oo ka shaqeeya xalinta khilaafka.

Guddiga lagu dhawaaqay ayaa ka kooban mudanayaashan:

1. Xil. Mursal Maxamuud Cabdi
2. Xil. Ismaaciil Saleebaan Geelle
3. Xil. Xuseen Axmed Nuur
4. Xil. Maxamed Cali Subeyr
5- Xil. Maxamuud Dhakuul Xirsi

قد تكون صورة ‏نص‏

 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM