Golaha Wasiirada cusub ee Puntland oo la dhaariyey

Image

Golihii Wasiirada Puntland ee uu maanta magaacabay Madaxweyne Gaas ayaa galabta lagu dhaariyey xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

Dhaarta Wasiirada cusub waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey, oo la dardaarmayay Wasiirada cusub.

Wasiirada aanan arkin ee dhaarta ka maaqnaa waa illaa lix Wasiir oo afar safar dibeda ah jirto, Labada Wasiir ee Garoowe Jooga oo aan dhaarta iman ayaa kala ah Cabdi Xirsi Qarjab  oo loo magaacabay Wasiirka Warfaafinta iyo Axmed Karaash oo loo magacaabay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada.

Golaha Wasiirada ee cusub ee maanta lagu dhawaaqay waa 53 Wasiir oo isugu jira Wasiiro, Wasiiru Dowlayaal iyo Wasiir ku xigeeno. 4 ayaa dumar ka ah Golaha.

Jaamac Deprani 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM