Golaha wasiirada Puntland oo ansaxiyey heshiis horumarineed [ AKHRI]

Image

GAROWE, Puntland- Kulanka Khamiista ee Golaha wasiirada Puntland ayaa maanta lagu ansaxiyey heshiis hurumarineed uu Madaxweynaha Puntland dhowaan ku soo galay dalka Ethiopia.

Heshiiskaan oo shirkad laga leeyahay dalka China ku qabaneyso Mashariic horumarined kuwasoo ka kooban wadooyin iyo garoon diyaaradeed ayaa wararka warsidaha GO helayo sheegayaan in cod aqlabiyad ah Golaha wasiirada ku ansaxiyey qaybaha uu ka kooban yahay.

Heshiiskaan ayaa shirkadaan oo horey Mashruuca dhismaha garoonka diyaardaha Bosaso u fulisay ayaa ka koobnaan doona wado Laami ah ee isku xirta magaaloyinka Garowe Eyl iyo garoon diyaradeed ay yeelan doonto magalada Galkacayo.

Dhinaca kale shirkadaan ayaa sahmin shidaalka ah ka sameyneysa dhulka Puntland.

Shirkada fulin doonta mashaariicdaan CCECC (China Civil Engineering Construction Corp) taasoo laga leeyahay China ayaa dhistey dekada dalka Jabuuti halka mashaariic kale ka wado wadanka Ethiopia.

AKHRI WARSAXAFADEEDKA GOLAHA WASIIRADA

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM