Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyey xeerka gudiga doorashooyinka

Image
Image
Image
Image

November 27, 2014 (GO)- Golaha Wasiirrada Puntland ayaa kulankooda Khamiislaha ah todobaadkan diiradda ku saaray arimo ay kamid yihiin xaaladaha ammaanka, go'aanadii kasoo baxay shirkii Copenhagen iyo xeerka guddiga doorashooyinka.

Kulanka oo Madaxweyne ku-xigeenku shir guddoominayey waxaa ugu horeyn looga doodey xeerka guddiga doorashooyinka, xeerkaas oo dood dheer kadib Golaha Wasiirradu meel mariyeen islamarkaana noqonaya kii ugu horeeyey ee xukuumadda Cabdiweli Gaas ansixiso tobankii bilood ee ay jirtey.

Intaas kadib wuxuu Goluhu warbixino ka dhegeystey Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Maxamuud Alloore iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali Axmed Faatax.

Wasiir Aloore ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee ammaanka Puntland isagoo sheegay in ammaanku wanaagsan yahay laguna guuleystey in laga hortago isku dayo badan oo la doonayey in ammaanka Puntland lagu waxyeeleeyo.

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali Axmed Faatax oo hogaaminayey wafdigii Puntland uga qayb galay shirkii ka dhacay magaalada Copenhagen ee  looga hadlayey barnaamijka hiigsiga cusub ayaa Golaha warbixin ka siiyey go'aamadii kasoo baxay shirkaas iyo weliba ajendayaashii ay Puntland kaga qayb gashay.

Golaha xukuumadda ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka koobam 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowleyaal waxay si joogto ah todobaad walba u kulmaan maalinta Khamiista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM