Golaha Wasiirrada PL oo ansixiyey xeerka sahaminta deegaanka

Image

February 12, 2015 (GO)- Golaha Wasiirada Dowlada Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa meel mariyey xeerka sahaminta deegaanada Puntland.

Xeerkan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee Puntland yeelato wuxuu qeexayaa qaabka loola socon karo islamarkaana wax looga qaban karo is-bedellada dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn ee ku dhaca deegaanka.

Shirka Golaha Wasiirada oo Madaxweyne ku-xigeenku shir guddoominayey, waxaa sidoo kale warbixino looga dhegeystey wasiiro ku jirey wafdigii Puntland ee todobaadkii hore magaalada Muqdisho tegey.

Golaha ayaa ka doodey qaabka ugu haboon ee Puntland ugu diyaar garoobi karto marti gelinta wejiga labaad ee shirka wada-tashiga kaasoo wejigiisii koowaad todobaadkii hore magaalada Muqdisho ku qabsoomey.

Ugu dambeyntii waxaa warbixino laga dhegeystey gudiyada dhaqaalaha iyo ammaanka iyadoo si weyn loo gorfeeyey ammaanka soo xumaanaya ee magaalooyinka Bosaso iyo Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM