Goobaha ganacsiga Boosaaso oo dib loo furayo

Image

BOOSAASO, Puntland – Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in xal laga gaarey xirnaanshiyaha goobaha ganacsiga ee Boosaaso.

Dhabancad ayaa tilmaamay in natiijadaas ay kasoo baxdey wadahadalo ay xarunta gobolka Bari kula yeesheen Rugta Ganacsatadda, isaga oo intaas ku daray in mehradaha dib loo furi doono ugu dambeyn gelinka dambe ee maanta.

Xirnaanshiyaha goobaha ganacsiga ee Boosaaso ayaa ka dhalatay sarre u kac ku yimid sarifka lacagta qalaad ama Doolarka iyo hoos u dhac ku yimid shilin Soomaaliga, arrintaasoo dowladda ay go'aano culus kasoo saartey.

Go'aanadda dowladda Puntland soo saartey waxaa kamid ah in lacagaha telefoonada aan lagu diri karin wax ka yar Hal Doolar iyo in ganacsatadda ay shilin Soomaaliga socod-siiyaan. Go'aanadaas way dhaqan-galeen qaarkood.

Isaga oo shalay caasimadda Garowe kula hadlay ganacsatada iyo waxgaradka, madaxweyne Deni ayaa faray Bangiyada iyo Xawaaladaha in ay qaataan shilin Soomaaliga una sheegay in talaabo laga qaadayo hadii ay fulin waayaan.

Sidda laga soo xigtey wasiir Dhabancad, dekadda Boosaaso ayaa kamid ah goobaha gelinta dambe ee maanta dib loo bilaabi doono shaqooyinkooda caadiga ah.

"Waxaan xoojinayaa baaqa Rugta Ganacsatada ee in shilin Soomaaliga la socod-siiyo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Dhabancad.

Xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dayacdey kaalinteeda, Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa ah meesha kaliya ee cashuurta dowladda lagu qaado iyo mushaharka lagu bixiyo Shilin Soomaali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM