Guddi loo magacaabay Aaska marxuum Axmed Dowlad

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf [Dowlad].

Wasiirkii hore ee ammaanka dowladda Puntland ayaa xalay ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Garowe, sidda ay sheegeen qoyskiisa.

Marxuumka oo aan la shaacin sababta keentay dhimashadiisa waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyay mas'uuliyiin uu kamid yahay madaxweyne Saciid Deni.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad)," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Puntland State House.

Guddigan oo ka kooban 5-xubnood ayaa kala ah.

1.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdisamed Maxamed Gallan (Xubin )
3. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin)
4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Ahna ku-simaha Wasiirka Cabdirashiid Cali Geelle (Xubin )
5. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

Duugta marxuumka ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan mas'uuliyiin heer federaal iyo kuwa ka tirsan Puntland si lamid ah martida Garowe u tagtay shirka Heritage.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM