Guddi loo saarey qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweyne Deni

Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland ayaa waxaa guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Todobaadkan waxaa shirka lagu ansixiyey xeerka illaalinta Af-Soomaaliga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda.

Sidda ku xusan qoraalka, kulanka Golaha ayaa sidoo kale looga hadlay Amniga, dhismaha goleyaasha deegaanka, siyaasadda sanduuqa horumarinta dhallinyarada iyo xaaladda Covid19 ee Puntland.

Dhanka kale, Karaash oo qoraal soo saarey ayaa wuxuu magacaabay guddi ka kooban todoba xubnood kuwaasoo loo xil-saarey in ay qaban-qaabiyaan soo dhaweynta madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

"Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo maanta Shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ayaa guddi heer wasiiro ah u magacaabay soo dhoweynta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo door muhim ah ka qaatay in dalku ka gudbo marxladda kala guurka ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa ka kooban 7 xubnood oo kala ah:

1 - Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha (Gudoomiye)

2 - Cabdullaahi Cali Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta (Gudoomiye ku-xigeen)

3 -  Aamina Cusmaan Xaaji Jaamac, Wasiirka Waaradda Haweenka (Xubin)

4 - Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada (Xubin)

5 - Cumar Xasan Fiqi, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda (Xubin)

6 -  Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga (Xubin)

7 -  Maxamed Cabdirashiid Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Xubin)

Deni ayaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho wuxuu kaga qeybgalay wadahadalo lagu lafa-guray isla markaana go'aano laga soo saarey oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020-21.

Kadib shirka ku qabsoomo magaala madaxda waddanka ee Muqdisho oo qaatay maalmod, Deni ayaa u socdaalay caasimadda Kenya ee Nairobi, safarkaas oo Madaxtooyadda Puntland ku tilmaamtay "mid shaqo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM