Guddi loo saarey saraakiisha ku dagaalantey xerada ciidamada Bossaso

Image

BOSSASO, Puntland- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland guddi ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo saraakiisha Booliska u saarey iney baaris ku sameeyaan gacan ka hadalkii rasaasta wadatey oo dhexmartey saraakiisha amniga Puntland.

Guddigaan ayaa wararku sheegayaan inuu madax u yahay Wasiirka Beeraha Puntland Cabdulahi Cali Xirsi ( Timacade) iyadoo xubno ka yihiin Wasiirka wasaarada ganacsiga, Taliyaha ciidamada sirdoonka Puntland, Xildhiban Baduugaaye iyo saraakiil kale oo ka tirsan hogaamada Booliska Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabey guddigaan inta uusan maanta u dhoofin dalka Jabuuti iyadoo aan loo sheegin saxaafada howsha loo igmadey xubnahaan isugu jira Wasiirada, xildhibanada iyo saraakiisha Booliska.

Saraakiisha Puntland ayaa gacan ka hadal watey rasaas ku dhexmartey xerada ciidamada Birmadka ee Bossaso halkaasoo ku dhintey sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska dhaawac-na kasoo gaarey Wasiirka amniga iyo 5 Askari uu kamid yahay ku xigeenka ciidamadaan. 

Xogaha kale oo aan ka helyno halka uu marayo khilaafkii ka dhashey isku dhacaan ayaa wararku sheegayaan in taliyihii ciidamada Birmadka  Col. Afdalow si KMG ah loogu xirey xarunta madaxtooyada Bosaso taasoo ka careysiisey Taliyaha Booliska Puntland madaama aan sarkaalkaan aan loo dhaadhicin xabsiga.

Taliyaha Birmadka Korneyl Afadolw ayaa dhinaciisa sheegaya inuu sugayo in dowlada talaabo ka qaado Taliyaha Booliska madaama uu shaqo ahaan uusan hoos imaaneyn madaxa ciidamada Booliska Puntland xadgudna aheyd inuu xeradiisa tago islamarkaana faragashado ciidankaan uu madaxda ka yahay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Taliyaha ciidamada Birmadka uu haysto qoraal Madaxweynaha Puntland ku saxiixan yahay kaasoo sheegaya inuu hoos imaado shaqo ahaan xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas taasoo taliyahan ku gar heley qaar kamid ah eedeymihii loo soo jeediyey.

Khilaafka u dhexeeya Taliyaha Booliska Puntland iyo Taliyaha ciidamada Birmadka ayaa muddo soo jiitamayey iyadoo sabatey in saraakiisha dowlada ee kale la kala saftaan xubnahaan halka wararku xusayaan in Madaxweyne Gaas la horgeeyey dacwooyin kala gaadisan kuwasoo gudbiyeen labadaan Taliye. 

GARAOWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM