​Guddiga doorashooyinka KMG Puntland oo gudoomiye doortay

Image
Image
Image

GAROWE- Guddiga KMG ah doorashooyinka Puntland oo yeeshay kulankii ugu horaysay ayaa maanta doortay gudoomiye iyadoo xilkaasi loo dhiibay Axmed Maxamed Cali oo horay usoo noqday agaasimaha Puntland TV.

Gudoomiye ku-xigeen ayaa sidoo kale loo doortay Maxamud Soofe.

Guddigan oo sagaal xubnood ka kooban ayaa shalay lagu ansixiyey kalfadhiga aan caadiga ahayn oo u socda Barlamanka Puntland, waxaan maanta lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada iyadoo uu goob  joog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo Afhayeenka Barlamanka.

Xubnahan ayaa bishii labaad ee sannadkan, waxaa soo kala magacaabay madaxweyne Gaas iyo Axmed Cali Xaashi, waxaana la filayaa inay bilaabaan shaqooyinkooda, maadama ay mareen nidaamka dastuuriga ahaa.

Axmed Maxamed Cali, ayaa lagu doortay kulan ay ku yeesheen xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC.

Weli kama uusan hadlin qaabka uu arko xilkan loo doortay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM