​Guddiga ka qayb qaadanaya nabadaynta Puntland iyo Galmudug oo lagu dhawaaqay

Image

GALKACYO, Puntland- Maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaa soo saaray liiska xubnaha uga qayb qaadanaya wada xaajoodka laga galayo khilaafka iyo colaadda ka dhextaagan labadaas maamul kadib markii maanta lagu shiray garoonka Cabdullaahi Yuusuf.

Maamulladan, ayaa xubnahaas sheegay inay garwadeen uga noqon doonaan dadaallada lagu doonayo in Galkacyo lagu xasiliyo oo nabad noqoto.

Waxay sidoo kale ka mid noqon doonaan xubnaha tagaya Kismayo 20 bishan si looga wada hadlo waxyaabaha jira.

Puntland, ayaa ku dhawaaqday xubn isugu jira, maamulka gobolka Mudug, degmada Galkacyo, saraakiil ciidan, nabadoon iyo culimaa'uddiin.

Halkan hoose ka akhriso magacyadooda;

  1. Xasan Maxamed Abgaalow                                    Gudoomiyaha Gobalka Mudug.
  2. Maxamed Yaasiin Tumey                                         Duqa magaalada Gaalkacyo.
  3. Jen, Muxuyadiin Axmed Muuse                           Taliyaha La dagaalanka Argagixisada.
  4. Col, Cabdul Warsame Cusmaan                              Taliye oo katirsan ciidamada Difaaca.
  5. Cabdi Diiriye (Cabi Qurux)                                     Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
  6. Xuseen Gurey                                                              Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
  7. Abdulaahi Aaden Gaas                                              Ganacsade kamid ah Ganacsatada G Mudug
  8. Maxamed Quute                                                          Ganacsade kamid ah Ganacsatada G Mudug
  9. Sh Abshir Abdirahmaan Yusuf                                Wadaad kamid ah Culumada Ahlu Suna Mudug.  

Dhan kal Galmudug, ayaa shaacisay liiska ka kooban Sagaal qof oo dadaallada nabadeed ka qayb qaadan doona, kuwaasoo magacyadooda iyo xilalkooduba ku muujisanyihiin liiska hoose;                                                                                                                                                                                                                             

  1. Cabdikariim Xuseen                                                        Guuleed Madaxweynaha Galudug
  2. Cabdirashiid Xaashi Cartan                                             Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug
  3. Xirsi Yuusuf Barre                                                             Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug
  4. Cabdulqaadir Jaamac Seed                                              Waxgaradka Nabadoonada.
  5. Cabdikariim Sheekh Axmed
  6. Xasan Faarax Barre
  7. Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi
  8. Cabdi Jaamac Cabdulle
  9. Cabdinaasir Cabdi Faarax.

Arrintan ayaa timid kadib markii shalay lagu hishiiyay in la fuliyo hishiiskii Imaaraadka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM