Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo yeeshay gudoon cusub

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG ee doorashada dowladda Puntland ayaa Gudoomiye u doortey Guuleed Salaax Barre halka ku xigeen loo doortey Jaamac Xirsi Farax.

Afhayeenka gudigaan ayaa waxaa loo magacaabey Cabdinuur Sheekh Isxaaq oo ka shaqeyn jirey Idaacada BBC-da, gaar ahaan Laanta Af-Soomaaliga.

Guuleed Salaax Barre ayaa xukuumadii Cabdiwali Gaas ka noqdey Wasiirka degaanka halka mudooyinkii dambe uu madax ka ahaa hay’ad la yiraahdo SIDRA.

Gudoomiyaha cusub ayaan weli ku dhawaaqin inuu iska casiley jagadda sare ee uu ka hayo hay'adda SIDRA oo mashaariic ka qaadata hay’adaha caalamiga ah.

Magaaladda Garowe ayaa maanta waxaa ka furmey kulan hay’adda SIDRA soo qaban qaabisay, kaas oo lagaga hadlayo qayb kamid ah barnaamijka dimuqaraadiyada Puntland.

Beesha Caalamka ayaa dhowaan balanqaadey in ay ka taageeri doonto maamulkan sidii uu u qabsan lahaa doorasho ay dadka ugu coddeyaan hogaamiyahooda.

Puntland oo ah maamulkii ugu horeeyay ee ka hano qaadey Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan laga qabaa in doorashadda soo aadan ay noqoto mid qof iyo cod ah.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM