Guddiga qaban-qaabada Shirka Wada-tashiga Puntland oo la magacaabay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu magacaabay guddiga qaban-qaabadda shirka wadatashiga Puntland oo qorshuhu yahay in ay ku qabsoomo Garowe.

Hoos ka akhriso wareegtada Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland, isagoo ka duulaya warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee ka qabsoomay magaaladda Boosaaso, Bishii February 7, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay kamid ahayd in la qabto shir weyne wada tashi ah 15ka Bisha March 2020 oo ay isugu imaanayaan Golayaasha Dowladda Puntland iyo Wakiillada ku matala Dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta Dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu u magacaabay Gudiga Qabanqaabada Shirka Wada-tashiga Dowladda Puntland xubnaha hoos ku xusan:

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.

11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin.

Fulin wacan

Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM