Guddiga TPEC oo yeeshay hogaan ku meelgaar ah

Image
Gudoomiyihii Gudiga KMG ee doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax ayaa ku dhawaaqey Maanta inuu xilkii iska-casiley.

GAROWE, Puntland - Xubnaha sare ee Guddiga ku meelgaarka doorashada Puntland ayaa iska dhex-doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen KMG ah waxayna si wada jira usoo saareen warsaxaafadeed.

Doorashaddan ka dhex-dhacdey xarunta dhexe ee TPEC ayaa ka dambeysay kadib iscasilaadii Gudoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo ku xigeenkiisii Jaamac Xirsi Faarax.

Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa war-saxaafadeedka guddigan waxaa uu la wadaagay saxaafadda isaga oo si rasmi ah u xaqiijiyey sax ahaanshiyaha bayaanka.

Gudoomiyihii Gudiga KMG ee doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa ku dhawaaqey Maanta inuu xilkii iska-casiley.

Qoraalkiisa oo kooban isla markaana ay dad badan ka falceliyeen ayuu ku shaaciyay go'aankiisa, isagoo u sababeeyay duruufo soo wajahey, oo uusan la wadaagin bulshadda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo xubnaha Gudiga TPEC ayuu Guuleed shaaca ka dhigay inuu la wadeegay is-casilaadiisa kahir inta uusan dadweynaha la wadaagin.

Guuleed ayaa mudo labo sano iyo bar gudoomiye ka ahaa TPEC, oo shaqadeedu tahay inay Puntland ka qabato doorashooyinka Golayaasha degaanka, si nidaamka dimuqraadiga loogu gudbo kuna guuleystay wajiga horey.

HOOS AKHRISO BAYAANKA GUDDIGA

May be an image of text that says 'TRANSITIONAL PUNTLAND ELECTORAL COMMISSION (TPEC) GUDDIGA KUMEELGAARKA EEDOORASHOOYINKA PUNTLAND Dhexe: Telephone 6518725 www.tpec.pl.so Warsaxaafadeed Xarunta kmg Guddoomiyaha Guddiga Guuleed Guddoomiyaha Tpec, isagoo xubnaha xubnaha Barre, wuxuuna wargaliyey Guuleed gaar kalsoonidii wadajirka dhacay Qardho, Guddiga casilay mahadceliyey gaareen guulihii doorashooyinka waxa 3-da Siyaasadda, shaqeeya arrimaha doonin haqadiii Guddigu weynaha Puntland, caalamka aqiijinaayaa ahayey bulshada hakad gaarka galabta waxaa kulan degdeg imaan, kuna kuwaas isugu kaddib gmaday sare ee Guddiga hawlaha guddoonka, waxayna Axmed doortay xigeenkii yihiin: Gudomiye KMG ah. G.kuxigeen KMG Guddigu maalmaha degmooyinka socda bilaabi doonaa tashiyadii xiriiray dhasmaystirka Wabillaahi tawfiiq. Shiikh Maxamed Isxaaq Afhayeenka Guddiga Your Right. Future'

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM