Guddiga xulista xubnaha golaha deegaanaka Bosaso oo la shaaciyay [Dhagayso]

Image

07 September, 2015(GO)-Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa magacowday guddiga soo xulista iyo ansixinta golaha deegaanka degmada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddigaan ayaa sida ku xusan war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland waxay ka koobanyihiin 7-ruux kuwaas oo isugu jira wasiiro, gudoomiyaha gobolka Barri, gudoomiyaha ururka haweenka Puntland, la taliye ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha  iyo isu-duwaha wasaaradda ee gobolka Bari.

Xubnahan la magacaabay ayaa waxaa gudoomiye  looga dhigay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Axmed  Cilmi Cismaan "Karaash" halka ku xigeena looga dhigay wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qarjab" waxayna xilalkan horey ugu magacownaayeen gudigii soo xulay golaha deegaanka degmada Garowe.

Odayaasha iyo nabadoonnada gobolka Bari ayaa lagu amray  inay 3-cisho ku soo gudbiyaan xubintii u matali lahayd golaha deegaanka, isla markaana reerkii leh 3-xubnood mid ka mid ahi uu noqdo haween.

Degmada Bosaso malahayn muddo dhawr bilood ah gole deegaan, waxaan si kumeel gaar ah xilka degmada u sii hayay Maxamed Siciid Shabeelo oo dhawaan soo magacaabey madaxweyne Gaas maadaama uu kala direy xubnihii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM