Guddiyada joogtada baarlamaanka Puntland oo amar la dul-dhigay [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland – Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo Daareed], afhayeenka baarlamaanka Puntland ayaa faray Guddiyadda joogtada ah ee Gollaha Wakiilada in ay si maalinle ah u shaqeeyaan.

Mr Dhoobo Daareed oo uga digay Guddiyada in kaliya ay xafiisyada soo xaadiraan marka kaliya uu fadhi leeyahay Gollaha ayaa wuxuu arrinkaasi ku tilmaamay talaabo mas'uuliyad daro ah.

"Hadii aysan shaqeynin ama xiliga baarlamaanku fariisanayo ay warbixino raadiyaan ama ay soo qaadaan waraaqado loosoo daabacay, wax sax ahna ma ahan, waana lagula xisaabtamayaa," ayuu yiri.

Gudoomiyaha oo ka hadlayay furitaanka kulankii ay mudanayaasha ku ansixiyeen Miisaaniyada dowlada ee 2019 ayaa ka codsaday Guddiyada joogtada ah in soo gudbiyeen wasaaradihii si dhow ula shaqeyn waaya.

"Wasaaradii ama hay'adii la shaqeyn wayday, Guddiyadu waxaan ka codsaneynaa in ay u soo gudbiyaan Gollaha, talaabaa laga qaadayaa … dastuuri ah, waayo shaqada Guddidu waa dastuuri," ayuu xusay.

Si gaar ah Guddiyada amniga iyo arrimaha maaliyadda ayuu ku tartarsiiyay in ay waajibaadkooda kasoo dhalaalaan maadaama arrimahaasi ay bud-dhig u yihiin qorshaha xukuumadda iyo hiig-siga dowladda.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye Dhoobo Daareed, ayaa guud ahaan xubnaha sharcidejinta ku booriyay in ay muujiyaan xil-kasnimo, ayna waajibaadka dastuuriga ah ee saaran si hufan u gutaan.

"Marka waan leeyahay xil aan isa saarno, mas'uuliyad aynu qaadno … nimanyahow xil-kasnimadu waa shey qaali ah … qof kastoo baarlamaani ah waa in uu gutaa xilkiisa," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM