Guddoomiyaha Baarlammaanka PL oo ka hadlay doorashada 2016 [Dhegeyso]

Image

July 30,  2015 (GO)- Af-hayeenka Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Siciid Xasan Shire oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee 2016.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Baarlammaanka iyo xukumadda Puntland  soo saari doonaan go'aan midaysan oo ku saabsan arrimaha ka socda magaalada Muqdisho.

"Dowladda ayaa qiratay in aysan qaban karin wixii loo igmaday ee ahayd inay dalka doorasho gaarsiisaan 2016, Madaxwaynaha Dowladda Federaalka dalka wuxu ku matalaa Federaalnimo iyo ra'yiga la isku keenay, marka hadduu yiri annaa go’aamo u gaaraya waa qalad" ayuu yiri.

Dhinaca kale, Siciid Shire ayaa xusay in aysan raali ka noqon doonin dib u dhaca ku yimi balanqaadkii xukuumada ee ahaa doorasho dadwayne oo la qaban  doono 2016 dib loogu noqdo doorasho Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM