Guddoomiyaha cusub ee Nugaal oo maanta xilka la wareegey

Image
Image
Image
Image
Image

February 3, 2015 (GO)- Guddoomiyaha cusub ee Madaxweynaha Puntland dhowaan usoo magacaabay maamulka gobolka Nugaal ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegey.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo marti sharaf kale oo meteleysey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Cabdinaasir Xaaji Maxamed ayaa xilka ku wareejiyey guddoomiyaha cusub maadaama guddoomiyihii hore dalka dibadiisa ku maqan yahay.

Dhanka kale, Guddoomiye Cabdulaahi Ciise Aw Axmed oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inuu si hufan oo daacad ah ah u shaqeyn doono, wuxuuna ka codsaday qaybaha kala duwan ee bulshada inay la shaqeeyaan.

Ugu dambeyntii waxaa xafladda xilwareejinta ka hadlay Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire, wuxuuna hambalyo u diray guddoomiye Aw-axmed, isagoo Ilaah uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibey.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas xilka ka qaadey guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Bumbo soona magacaabay Cabdulaahi Ciise Aw Axmed.

Cabdilaahi Ciise ayaa horay usoo noqdey guddoomiyaha gobolka Nugaal xiligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Maxamuud Muuse Xirsi Cade.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM