Guddoomiyaha cusub ee Nugaal oo soo dhoweeyey magacaabistiisa

Image

February 2, 2015 (GO)- Gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal loo soo magacaabay ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo kuna faraxsan yahay xilka Madaxweyne Cabdiweli Gaas u soo magacaabay.

Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed ayaa sheegay in xilkaasi yahay mid culeyskiisa leh balse uu diyaar u yahay inuu si fiican uga soo dhalaalo, mas'uuliyadda dalka iyo dadka ka saaranna si daacad ah u godan doono.

"Waxan u arkayaa waajib wadani ah iyo waajib diini ah oo i fuulay, kaasoo ay tahay inaan si wanaagsan u guto" ayuu yiri

Dhanka kale, mar la weydiiyey inuu horay uga war qabey in xilkan loo soo magacaabayo iyo in kale, wuxuu sheegay inuusan isagu doonan balse Madaxweynuhu u soo magacaabay kadib markii uu la tashaday siyaasiyiinta iyo wax garadka gobolka.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in meelaha uu xoogga saari doono ammaanku ugu horreeyo, maadaama xarunta gobolka Nugaal ee Garowe tahay caasimada Puntland khasabna ay tahay in ammaankeeda si weyn loo sugo.

Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed ayaa horay usoo noqdey gudoomiyaha gobolka Nugaal xilligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Cadde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM