Guddoomiyaha Qandala oo ka hadlay in Daacish deegaano qabsatay

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed Khuurshe ayaa ka hadlay warar sheegaya in koox katirsan Daacish gacanta ku dhigtay deegaano hoos yimaada degmadas, sida lagu daabacay baraha internet-ka.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Gudaha, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas, balse wuxuu qiray in kooxdaas ay ku sugantahay nawaaxiga Qandala.

“Waa dacaayad waxa lagusoo qoray websiteyada oo la ii sheegay, wax tuulo ah ay qabsadeen ma jirto, laakiin buuraha ku dhow Qandala ayay joogaan waana la aadayaa inshaa allaah,” sidaas ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qandala.

Khuurshe ayaa sidoo kale xusay in kooxdaas ku sugantahay ceelal biyoodyo ku dhow Qandala oo ay ka warqabaan, balse qaabkii loogu howl gali lahaa lagu guda jiro oo ay dowladda ka sugayaan.

Mar wax laga weydiiyay jid-gooyo kooxdo u dhigato gaadiidka wadada isticmaala, wuxuu cadeeyay in arrintaas wax lag qabtay, wuxuuse carrabka ku dhuftay inay miinooyin galiyeen meelaha qaar taasna ay ka saari doonaan.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in abaaraha ka jirta dalka ay kaliftay in ceelka degmada Qandala uu ciladoobay taasoo uu sheegay inay samaysay ciidamadii degmada ku sugnaa.

Hadalka Guddoomiyaha Qandala ayaa yimid xilli dhawaan koox la sheegay inay katirsantahay Daacish muddoo kooban gacanta ku hayeen deegaan lagu magacaabo Dasaan.

Mallayshiyo uu hogaamiyo nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin  ayaa ku sugan gobolka Bari,  waxayna sannadkii hore dhammadkiisa gacanta ku dhigeen Qandala taasoo markii dambe ay isaga baxeen.

GAROWEONLINE


Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM