Guddoomiyaha TPEC oo faraha la galay doorashada Soomaaliya

Image
Guuleed Saalax ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha ku gadaaman Prof Maxamed Cusmaan Jawaari.

GAROWE, Puntland – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax, ayaa si toos ah wuxuu u farageliyey arrimaha Soomaaliya si gaar ah kiiska buuqa dhaliyey Prof Maxamed Cusmaan Jawaari.

Saalax, oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa dhinac ka muujiyey codsi uu ku leeyahay Jawaari kursigiisa ha la siiyo halka dhanka kale digniin u direy madaxda Soomaalida. 

"Prof Jawaari waa oday dalka usoo shaqeeyay, ma mudna in laga hor-istaago tartanka, Professor-ku wuxuu hadda kahor hor-istaagay RW Saacid si uu iskaga difaaco mooshin laga keenay, adduunyadu waa giraan," ayuu yiri Saalax.

Isaga oo hadalkiisa sii wata isla markaana u hadlay si duur-xul ah, Guuleed ayaa ku daray: "Madaxda maanta tacadiga samaynaya waa hubaal bari inay dhibanayaal noqondonan".

Hadalka Gudoomiyaha TPEC ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ay ka taagan tahay xaalad ciidan oo salka ku haysa Agaasimaha hay'adda PSF oo gabi ahaanba diidey inuu aqbalo xil ka qaadis Madaxweyne Dani ku sameeyey.

Asad Diyaano oo ah Walaalka Agaasimaha xilka laga qaadey ayaa ah ninka ugu Tunka weyn Urur siyaasadeedka Mideeye.

Dhinaca kale hadalka Gudoomiye TPEC ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Puntland mowqifyo gaar ah ka leedahay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraalka Saalax ayaa sidoo kale imaanaya xilli dhaliilo badan oo la xiriira musuqmaasuq loo soo jeediyey doorashooyinkii tijaabada aha  ee qabsoomey degmooyinka kala ah; Qardho, Ufeyn iyo Eyl horudhaca ahaydna.

Guddiga uu madaxda ka yahay Saalax ee loosoo gaabiyo TPEC ayaa lagu dhaleeceeyay in uusan wali warbixin kasoo saarin daldaloolo ay banaanka soo dhigeen qaar kamid ah Madasha Ururada Siyaasada Puntland.

Madasha Ururada Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin afar kamid ah ururadda tartamay ayaa sheegtay in is-dabamarin baahsan lagu sameeyay doorashooyinkii ka qabsoomey sadexda degmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM