Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid
Ceelbuh, Sanaag – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Puntland, ayaa maalintii shalay gudaha u galay magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag isaga oo wata maleeshiyaad hubeysan.
Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la yimid qorshe ku saabsan in ergooyin laga abaabulo gobolka Sanaag, kuwaasoo ka qeyb geli lahaa shirweyne la sheegay in loogu dhisayo maamulka SSC Khaatumo, oo ka dhici doona magaalada Laascaanood.
Halkaan Ka Daawo Gudoomiye Hore Cabdirashid Oo Dhar Ciidan Qaba- Muuqalo lagu shaaciyey Facebook.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa garwadeen ka ah shirweynahaas, arrintaasoo dhalisay cabsi laga qabo in iska hor imaadyo ciidan ka dhacaan deegaanada gobolka Sanaag ee hoos yimaada Puntland.
Sida ay wararka Garowe Online sheegayaan, salaadiinta iyo odayaasha gobolka Sanaag ayaa diiday ka qeybgalka kulankaas. Ka dib diidmadooda ayuu Cabdirashiid isku dayay inuu shirweyne ka abaabulo magaalada Ceelbuh si uu u helo ergooyin u raaca magaalada Laascaanood.
Dowladda Puntland ayaa si adag u hor istaagtay shirkan, iyadoo u aragtay falkaasi mid Dowladda Federaalka ku carqaladeynayso xasiloonida iyo amniga Puntland. Puntland waxay dirtay xubno ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaano ka tirsan Aqalka Wakiillada si ay u adkeeyaan amniga deegaankaas.
Cabdirashiid oo xilligii uu afhayeenka ka ahaa Aqalka Wakiillada ay Puntland wajahday qalalaase siyaasadeedyo is-daba joog ah ayaa la sheegay inuu Muqdisho kula soo kulmay madaxda Dowladda Federaalka, kuwaasoo la sheegay in ay isla meel dhigeen in gobolka Sanaag lagu daro maamulka cusub ee SSC Khaatumo.
SSC oo horey dagaalo dhiig badan ku daadeen Ciidamada Somaliland ka saarey deganakooda ayaa hadda maamulka ka jira waxaa u muuqda mid raba isagoo kaashanaya dowladda Federaalka in carqalad amni ka sameeyaan Puntland oo ah mid aysan sina uga maarmi karin marka la eego xaaladaha ku xeeran gobolkaas.
GAROWE ONLINE