Guddoomiyhiii hore ee Afgooye oo toogasho lagu diley

Image

July 8, 2015 (GO)- Guddoomiyihii hore ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta toogasho lagu diley.

Saddex nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa suuqa Afgooye ku dhex diley mas'uulkaas oo lagu magacaabi jirey Cabdullahi Iidey.

Iidey ayaa xilligii la dilayey ku sugnaa carwo lagu magacaabo Mumin, wuxuuna halkaas dharka ciidka uga iibinayey qaar kamid ah carruurtiisa.

Dhaawac culus ayaa kasoo gaarey madaxa iyo saableyda, wuxuuna geeriyoodey waxyar kahor intaan la gaarsiin isbitaalka.

Booliska ayaa qabtey nin la sheegay inuu kamid ahaa saddexdii nin ee dilka fulisey, kaas oo xilligan su'aalo la weydiinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM