​Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Puntland oo is-casilay [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo), ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilkaasi iyo xubinimadii uu guddigaas u hayay, kadib markii uu waraaqda shaqo katagista u gudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas, oo horay xilkaas u magacaabay.

Waraqda shaqo katagista oo soo gaartay Garowe Online, ayaa Guddoomiyuhu wuxuu sababta ku sheegay arrimo isaga u khaas ah oo aysan ku lug lahayn cid kale.

Axmed Kismaayo, ayaa intaas ku daray mahad-celin uu usoo jeediyay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Gaas oo ku ammaanay magacaabista booskaas.

Madaxweynaha Puntland, ayaa aqbalay shaqo katagista Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland.

Bishii 2aad ee sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Puntland wareegto kusoo saaray 9 xubnood oo guddigaas ka koobanyahay, waxayna iska dhex-doorteen Axmed Kismayo oo muddo xilkaas hayay.

Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxweynaha Puntland lagu dhaliilay inuusan diyaar u ahayn nidaamka Axsaabta badan inuu gaarsiiyo Puntland, isagoo ka gaabiyay tasiilaad badan oo guddigani ku shaqayn lahaayeen.

Gaas, ayaa waqtigii uu ku jiray ololaha doorashada, wuxuu ballanqaaday inuu Puntland 2019 ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, sannadka ugu horeeyana dhisi doono guddigii howshaas ka shaqayn lahaa, balse waxaa muuqata in hadaalkaas uu ahaa mid beer laxawsi ah oo aysan xukuumaddiisu diyaar u ahay.

Sannadkii 2013 ayay ahayd markii siyaasiyiin uu horkacayay is-hortaag ku sameeyay dadaallo ay samaysay xukuumaddii uu hogaaminayay Cabdiraxmaan Farole, taasoo ahayd in dadku qofkii ay rabaan soo doortaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM