Guddoonka baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay magaaladda Garowe.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo wafdiga kaga hortegay garoonka diyaaradaha magaala madaxda ayaa soo dhaweeyay. Cabdi Xaashi iyo Maxamed Mursal.

Mas'uuliyiinta ayaa, sidda ay xoguhu muujinayaan, waxay ka qeybgalayaan Madasha Doodaha Heritage ka dhacaysa caasimadda dowladda Puntland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Cabdi Xaashi ayaa lagu yiri "Madaxweynaha DG Puntland ayaa Garowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Md Cabdi Xaashi iyo wafdiga uu hogaaminayay oo goordhow gaaray Garowe, si ay uga qeyb-galaan madasha Afkaar-wadaag ee uu soo qaban-qaabiyay Machadka The Heritage Institute for Policy Studies".

Madaxtooyadda Puntland ayaa dhankeeda tiri: "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi iyo Wafdi uu hoggaaminayo".

Ajendaha madasha ayaa lagu sheegay "2025 Sidee looga bixi karaa Kumeel Gaarnimada iska socota? Waxaana diiradda lagu saari doonaa Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya".

Madasha waxaa ka qeybgalaya madaxda qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada, Guddoonka Labada aqal ee Baarlamaanka, inta badan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, Xildhibaano labada Gole iyo Marti sharaf kale.

Machadka Heritage ayaa inta badan wuxuu ka faalooda siyaasadda, isaga oo soo saara warbixino falanqeyn ah taasoo ku saabsan xaaladaha culus ee waddanka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM