Guddoonka barlamanka PL oo ka tacsiyeeyey geerida xildhibaan Aadan Yare

Image

April 18, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) oo ahaa mudane ka tirsan barlamanka Puntland oo maanta magaalada Muqdisho lagu diley.

Guddoomiyaha ayaa marxuumka Ilaah uga baryey inuu naxariistiisa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Tacsi taas lamid ah waxaa direy Xildhibaan Shaybe Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Sicidii Xasan Shire wuxuu baaq u direy hay'adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay baaritaan ku sameeyaan ciddii ka dambeysey dilka xildhibaan Cabdi Yare sharcigana hor keenaan.

AHN Cabdi Aadan Yare ayaa xilligii la dilayey gaari saarnaa wuxuuna ku sugnaa meel aan ka fogeyn isbitaalka hore ee loo aqoon jirey Digfeer hadase ay maamulaan Turkiga. 

Marxuumku maalmihii u dambeeyey Muqdisho ayuu ku sugnaa wuxuuna halkaas u tegey arrimo caafimaad isagoo doonayey inuu qaar kamid ah qaraabadiisa geeyo isbitaalka Digfeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM