Guddoonka rugta ganacsiga Puntland oo berri la dooranayo

Image
Image

December 24, 2014 (GO)- Guddiga Qabanqaabada doorashadda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa maanta u qaybiyay kaararka aqoonsiga wakiiladda shirkadaha ka qaybgalaya codaynta doorashada rugta ganacsiga oo  maalinta beri ah ka dhacaysa magaaladda Bosaso.

Kulan ballaran  oo ka dhacay Xarunta Rugta Ganacsiga ee Bosaso, oo ka qaybgaleen Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha Puntland Maxamed Xasan Sooocade iyo Wasiirk Kuxigeenka wasaaradda Cabdirisaaq Nuur Cumar  iyo Shirkadaha ka qaybgalaya doorashadda rugta Ganacsiga Puntland ayaa sidoo kale lagu shaaciyay magacyada musharixiinta u tartamaysa Guddoonka Rugta Ganacsiga Puntland.
 
Guddoomiyaha Guddiga  Qabanqaabada Doorashadda Rugta Ganacsiga Isaaciil Axmed Dayib oo ugu horrayn ka hadlay kulanka ayaa ka sheekeeyay caqabadihii iyo guulihii ay gaareen guddigu intii ay socotay qabanqaabadu. Waxaa kaloo uu ka hadlay xeerka doorashada ee rugta ganacsiga oo asaas u ahaa xulitaanka shirkadaha ka qaybgala doorashadda

Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale shaaciyey magacyada murashaxiinta isagoo xusay in jagada Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland u tartami doonaan murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Warsame Jaamac oo ka socday Shirkadda OPEC, Sharmarke Ugaas Yaasiin oo ka socday Shirkadda Mareero Spare Parts iyo Maxamed Maxamuud Cismaan oo ka socda Shirkadda Xoolo dhoofinta ee Qandala.
 
Musharixiinta kale ee u tartamayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Waxaa ka mid ah Maxamed Caydiid Jaamac oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee rugta Ganacsiga Puntland.
 
Gabagabadii kulanka, Sheekh Fu’aad Xaaji nuur oo ka mid ah Guddiga Doorashadda Rugta Ganacsiga ayaa ganacsatadda ka qaybgalaysa doorashada u sharaxay qaabka loo gelayo doorashada oo maalinta berri ah ka dhacaysa hoolka shirarka ee Jaamacada Bariga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM