Gudoomihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo geeriyoodey

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa saaka oo Sabti ah magaaladda Garowe ku geeriyoodey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowladda Puntland, C/rashiid Maxamed Xirsi.

Allah ha u naxariistee C/rashiid ayaa xilal kala duwan kasoo qabtey labadii dowladood ee ugu dambeysay ee Puntland, iyadoo maamulkii Farole soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka 2009-2013.

Markii ugu dambeysay waxa uu Xukuumadii C/weli Gaas ka qabtey xilal uu kamid yahay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka badda Puntland.

Xanuun mudooyinkii damabe la jiifay ayuu AUN C/rashiid u geeriyoodey, sida ay xaqiijiyeen siyaasiyiin ay isla soo shaqeeyeen, oo ku sugan Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM