Gudoonka Gollaha Wakiiladda Puntland oo Guddi magacaabey [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo], ayaa magacaabay Guddiga soo xulista iyo doorashada Guddiyada joogtada ah ee Aqalka.

Guddi ka kooban saddex xubnood, ayaa ah Xildhibaano laga soo xulay Gollaha Wakiiladda Puntland.

Magacyadda Xubnaha Guddiga:

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah

Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab

Xildhibaan Muuse Xasan

Xildhibaan Cali Axmed Saalax [Cali Dhahar]

Mudane walba oo ka tirsan Gollaha ayaa xaq u leh inuu isku soo taago kamid noqoshada Guddiyada joogtada ah, iyaga oo musharaxnimadooda iyo sooyaalkooda usoo gudbinaya xoghaynta Gollaha.

Dhoobo oo sii hadlaya ayaa daboolka ka qaaday inay ku dadaalayaan in doorashada ay ku qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan si ay uguda galaan howlaha kale ee horyaala Gollaha.

Baarlamaanka cusub Puntland oo ka kooban 66-xubnood oo badankooda ah kuwa cusub ayaa isbedal taariikhi ah sameeyay markii ay 8-dii bishaan udoorteen Madaxwayne, mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM