Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo is-casiley

Image

28 October, 2015 (GO)- Guddoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa warsaxafdeed uu saaka gurigiisa ku qabtey is-casiley kadib markii xildhibanaada ka keeneen mooshin xilka looga xayuubinayo.

Siciid Xasan Shire ayaa go'aansadey inuusan hortagin Barlamanka markii ay u muuqatey in xildhibanao gaaraya 40 xubnood ka keeneen mooshinkaan.

Ciidamo aad u hubeysan ayaa qabsadey xarunta Barlamanka Puntland sababo aan la aqoon iyadoo wararka qaar sheegayaan in halkaas ay ku sugnaayeen ciidamo ka amarqaata gudoomiyaha Barlamanka.

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa ku eedeeyey in ciidamada kala wareegey xarunta aqalka wakiilada Puntland ay tahay inqliaab lala beegsadey taasoo uu sheegey ineysan aheyn arrin munaasab ah.

Siciid Xasan Shire ayaa laga eedeeyey inuu ku milmey xukuumada Cabdilweli Maxamad Maxamad Cali Gaas iyo isagoo wax u dhimey howlihii Barlamanka loo idmadey.

Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona warsaxafdeedka Gudoomiyaha Bralamanka is casiley.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM