Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo la doortey

Image
Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa noqdey afhayeenka xiga ee Golaha Wakiilada 6aad ee Puntland.

GAROWE, Puntland - Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 2024 - 2029. Cabdirisaaq ayaa waxa uu helay codad gaaraya 37 cod.

Siciid ayaa ahaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland kaas oo maamulay coddeyntii goleyaasha degaanka ee qof iyo codka ahayd ayna ku tartameen ururo siyaasadeed.

Dhanka kale, Maxamed Baarri Shire ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, sidda uu sheegay guddigadoorashada gudoonka golaha.

Doorashadda madaxtinimada Puntland oo xigi doonto coddeyntan maanta qabsoontey ayaa waxaa la filayaa in ay dhacdo 8-da Janaayo iyadda oo si weyn isha loogu hayo cidda rasmi ahaan kusoo bixi doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM