Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo la doortey

Image
Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa noqdey afhayeenka xiga ee Golaha Wakiilada 6aad ee Puntland.

GAROWE, Puntland - Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 2024 - 2029. Cabdirisaaq ayaa waxa uu helay codad gaaraya 37 cod.

Siciid ayaa ahaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland kaas oo maamulay coddeyntii goleyaasha degaanka ee qof iyo codka ahayd ayna ku tartameen ururo siyaasadeed.

Dhanka kale, Maxamed Baarri Shire ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, sidda uu sheegay guddigadoorashada gudoonka golaha.

Doorashadda madaxtinimada Puntland oo xigi doonto coddeyntan maanta qabsoontey ayaa waxaa la filayaa in ay dhacdo 8-da Janaayo iyadda oo si weyn isha loogu hayo cidda rasmi ahaan kusoo bixi doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM