Gudoomiyaha cusub gobolka Nugal oo xilka la wareegay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

20 September, 2015(GO)-Waxaa maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay Gudoomiyaha cusub gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Farole, ka dib munaasabad lagu qabtay xarunta PDRC Garowe.

Mas'uuliyiin ka socota xukuumadda, Barlamanka, degmooyinka gobolka qaybtood, nabadoonno, waxgarad iyo haween ayaa ka qay galay munaasabadda xil wareejinta.

Gudoomiyihii hore gobolka Nugaal Cabdullaahi Ciise ayaa sheegay in gobolka hormar laga sameeyay intii uu joogay.

Cumar Cabdullaahi Gudoomiyaha cusub oo ka hadlay qorshihiisa ayaa tilmaamay inuu wax ka qaban doono arrimo ay ka mid tahay xal ka gaarista khilaafka ku salaysan dhulka, tahriibta iyo hormarka gobolka Nugaal.

Qaar ka mid ah wagaradka iyo haweenka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay magacaabista Cumar Cabdullaahi, iyagoo sheegay inay la shaqayn doonaan.

Todobaadkii tagay ayaa Gudoomiyaha gobolka Nugal loo soo magacabey,Cumar Cabdullahi Farole oo soo noqday Taliyaha ciidamada Madaxtooyada Puntland, waxaana arrinta timi doorashadii duqa degmada Garoowe Xasan Goodir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM