Gudoomiyaha cusub oo lacag ugu deeqay wadada Eyl

Image

20 September, 2015(GO)-Gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi ayaa maanta lacag ugu deeqay wadada isku xirta degmooyinka Eyl iyo Dangoroyo.

Lacag gaaraysa 10-kun oo dollar ayuu sheegay inuu ugu tabarucayo jidkaasi, waxa uu xusay in loo bahanyahay sidii looga qayb qaadan lahaa dayactirka lagu samaynayo waddooyinka gobolka Nugal.

"Waad la socotaan degmada Eyl waxaa tagay wafti uu hogaaminayo Dr Gaadaale, waxaa socda dadaal lagu hagaajinayo wadada isku xirta Eyl iyo Dangoroyo,Aniga waxaan ugu deeqayaa lacaga gaaraysa 10-kun oo doollar, lacagtaasna waa mid aan jeebkayga ka bixiyay ee maaha mid dowladeed oo maanta ayaaba xilka la igu wareejiyay"ayuu yiri Cumar Cabdullaahi.

Hadalka ayuu ka sheegay xilli uu ka hadlayay xaflad uu xilka kula wareegayay oo haatan ka socota xarunta PDRC ee magalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM