Guddoomiyaha gobolka Bari oo gurigiisa la weerarey

Image

BOSASO Feb 26,2015 ( GO)- Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamad Gallan ayaa caawa fiidkii waxaa gurigiisa weerartey dabley hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn.

Dableyda oo ku hubeysneyd qoryaha darandooriga u dhaca iyo bumbooyinka gacanta ayaa guriga weerar gaadmo ah ku soo qaadey abaare 9:00pm fiidnimo ee caawa. Weerarka ayaa ku bilowdey labo qarax kadibna waxaa rasaas is-weydaarsadey muddo nus saac ah socotey ilaalada guriga iyo kooxda dableyda aheyd.

Inta la ogyahay weerarkaas waxaa ku geeriyoodey hal askari oo ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha halka dhaawac culus kasoo gaarey mid kale kasoo lagu daweynayo waqtigaan isbitaalka guud ee Bosaso.

Weerarro noocaan ahaa oo asbuucyadii lasoo dhaafey ka dhacay magaalada Bosaso ayaa waxaa mas'uuliyaddooda horey u sheegtey ururka Al-shabaab kaasoo dagaal yahanadiisu fariisimo ku leeyihiin buuraleyda Golis.

Bisha Feb 7,2015 ayaa waxaa weerar kaas lamid ah lagu qaadey bar kontrool oo ilaalada taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska u taaley afaafka hore ee Hotel Panorama ee magaalada Bosaso.

Taliye ku-xigeenka oo weerarkaas kaga dhinteen labo askari oo ciidamadiisa kamid ah ayaa wararka kasoo baxaya madaxtooyada Garowe sheegayaan in xilka laga qaadey xilli ku howlanaa sugidda amniga magaalada Bosaso.

Xil ka qaadista taliye ku-xigeenka Booliska iyo taliyaha ciidamada nabasugida Puntland ayaa abuurtey khilaaf xoogan oo u dhexeeya qaar ka tirsan saraakiisha iyo Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Amniga magaalooyin waaweyn ee Puntland ayaa kasoo daraya tan iyo intii Cabdiweli Gaas talada Puntland la wareegey. 

GAROWEONLINE 
 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM