Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo ka hadley amaro la jabiyey

Image

Sept 8, 2015 (GO)_ Cabdilaahi Ciise Aw-Axmed gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa ka hadlay amaro horay uga soo baxay gobolka taas kuwasoo  aadanaa amaro la dul dhigay dad ka ganacsan jiray qaadka kuna iibin jiray wadada Dr. Jimcaale iyo aaga xarunta dhexe ee Qaramada midoobay ay ku leeyihiin magaalada Garowe.

Gudoomiyaha gobolka oo la hadlayay PLtv ayaa tilmamay in dad shacab ah ay jabiyeen amaradii hore ee ahaa in aan qaad lagu iibin karin laguna cuni karin xarumahaasi laga macnuucay qaadka.

"Waxaan soo saaraynaa awaamiir ka adag kuwii hore waxaana la adkayn doonaa amarada si amniga loo sugo , waxaana u sheegaynaa dadka in qaabka dhulku u dhisanyahay ay tahay sharci daro loomana ogalana wadooyinka halbowlahaa ee caasumada" ayuu yiri Cabdilaahi Ciise.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa maalinta khamiista ah ee nagu soo food leh la filayaa in gudiga amniga gobolka ay hor gayso warbixin ku saabsan sababta amarkii hore loogu hogaansami waayay.

Goobtaan oo ay ku qayilaan dhalinyaro askar ah kuwasoo ka yimaada madaxtooyada Puntland iyo ciidamada kale ee dowlada ayaa goobtaas waxaa dhowaan lagu diley sarkaal ka tirsan booliska kadib markii uu halkaas u tagey inuu kala dhexgalo dumaro ku dagaalamey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM