Gudoomiyaha gobolka Nugal "Dhacdadaasi ma ahayn sida loo buun-buuniyay" [Dhagayso]

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdullaahi Ciise Aw-axmed ayaa maanta ka hadlay ammaanka gobolka oo uu sheegay inuu marayo heerkii ugu wanaagsanaa.

Cabdullaahi Ciise oo waraysi siinayay Radio Garowe ayaa wax laga weydiiyay dhacdo habeen hore ka dhacday magalada Garowe taasi oo dadku siyaabo kala duwan u fasireen.

"Dhacdadaasi ma ahan sida loo buun-buuniyay, mana ahayn waxa laga dhigay, ma ahayn qarax argagixiso oo cid lala beegsanayay, balse waxay ahayd dambi dhacay oo u dhacay si aan ula jeedo ahayn"Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Waxa uu gudoomiyuhu sidoo kale sheegay in baaritaan ay sameeyeen ciidamada amniga ku soo ogaadeen inay ahayd bumbo yar oo aan awood badan lahayn balse timi gaari NOHA ah oo aan la hubin inay ka dhacday iyo inay laga tuuray.

"Runtii khasaaraha ka dhashay ma weynayn, dhalinyaro dubnad ku ciyaaraysa aga wax ka dhaceen waxa soo gaarey dhaawacyo yar-yar, gaari meesha yaalleyna waxaa ka qarxay taaiyirada dambe, waxaa socda baarista sida wax u dhaceen balse waxan ogaaney inaysan arintu ku lug lahayn falalka argagixisada, waxaase dad loo qabtey dad arintaasi lagu tuhmayo"Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdullaahi Ciise.

Gudoomiyaha gobolka nugaal aya waraysiga ku sheegay in amniga Caasumadda aysan ka jirin habacsanaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM