Gudoomiyaha Xaafad ka tirsan Galkacayo oo la diley

Image

GAROWE Feb 3,2015 [GO]- AHN waxaa caawa fiidkii abarihii 7:30pm la diley Gudoomiyihii xaafad ka tirsan Gasoor AHN Maxamud Diiriye " Bidaar" kadib markii Labo qof oo madaxa soo duubtey gurigiiga irridiisa rasaas la beegsadeen.

Lama oga cidda ka dambeysay dilka gudoomiyahaan balse waxaa maanta ka badbaadey qarax lala beegsadey gaarigiisa xisaabiyaha wasaarada maaliyada  Maxamad Cali Yusuf ' Gaadayre".

Dilalka ka dhacaya magaalada Galgakacyo ayaa maalmahaan kor u kacaya xili madaxda xukuumada Puntland sheegtey in amniga guud ee gobolka wanaagsan yahay.

Ururka Al-shabaab ayaa dilalka noocaan ah la beegsada saraakiisha Puntland gaar ahaan magaalooyinka Galgacayo iyo Bosaso.

Magaalada Galgacayo ayaa sidoo kale maamulka gobolka, degmada iyo Booliska ayaa  waxaa soo dhexgaley khilaaf sababey iney habacsanaan gasho howlihii amni sugida degmada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM