Gudoomiye difaacay hadal uu ku dhaliilay culimadda

Image

GAALKACYO, Puntland – Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa difaacay hadal uu dhowaan ka dhawaajiyey kaasoo uu ku dhaliilay doorka culimada ee la-dagaalanka fekerka xagjirka iyo argagxisadda.

Cabdiladiif Muuse Nuur oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Gaalkacyo ayaa ku tartarsiiyey wadaadada in ay khudbadaha Masaajidda kusoo qaadaan "in argagixisada ay Diinta si khaldan u turjumaan".

Mr Nuur oo carabka ku dhuftay in khudbada Jimcaha loogu talagalay in diiradda lagu saaro arrimaha ugu waaweyn ee todobaadkaas ka dhacay degaanka ayaa hoosta ka xariiqay in tabashadooda ay ku wargeliyeen culimada.

"Socon mayso in Wadaaddadu ay Masaajidyada noo fadh-fadhiyaan, markii dad la dilana ay Tarbiyatul-Awlaad khudbadaha uga hadlaan, annaguna aan Masaajidda bannaanka ka taagannahay; 12 sano anigu masjid Soomaaliya ku yaalla kuma aanan tukanin, mana ahan arrin soconaysa oo Wallaahi ah...ama Masaajidda ayaan xidh-xidhaynaa, ama wadaaddadu dagaalka aan Shabaab kula jirno ayay nala galayaan," ayuu ku adkeystay gudoomiye Cabdiladiif.

Sidda laga soo xigtay gudoomiyaha, khudbadda Tarbiyatul-Awlaad ayaa la jeediyey maalmo kadib markii qarax ismiidaamin oo Al-Shabaab ka fulisay koonfurta Gaalkacyo lagu dilay tobanaan saraakiil ku jiraan.
Weerarkaas ayaa dhacay iyadda oo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku fekerayay in uu garoonka kubadda cagta Gaalkacyo kula hadlo dadweyne maadaama uu socdaal ku marayay degaanadda Galmudug.

Dhanka kale, Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka falceliyey dhawaqa gudoomiye Cabdiladiif ayaa sheegay "in uu aad uga naxay hadalka mas'uulka".

Qaar kamid ah culimadda Soomaaliya ayaan aad ugu dhiiran in ay ka dhiidhiyaan ficilada gurracan ee maleyshiyadda Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana la aaminsan yahay in ay uga fogaanayaan ka hadalka cabsi la xiriirta in la beegsado.

Tani ayaa dharbaaxo waxay ku tahay baaqyadda isa soo taraya ee ku aadan in dagaalka Al-Shabaab lagula jiro loo bedelo dhanka fekerka maadaama tobanaan sano oo xeelad military lagula diro ay u muuqata in aan lagu wiiqin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM