Hogaan loo doortay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Mudaneyaasha baarlamaanka dowlada Puntland ayaa waxay Axada maanta ah gudoomiye u doorteen Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulkaan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

Doorashadda oo ahayd coddeyn qarsoodi ah ayaa martay saddex wareeg oo ay ku tartamayeen saddex murashax oo ay ku jirto ah haweenay kalana ah; Siciid Cabdi Muumin, Maryan Axmed Cali iyo Faysal Mahdi Cali.

Fadhigii maanta ee doorashaddu ka dhacday waxaa goobjoog ahaa 62 kamid ah 66-ka Xildhibaan ee ka tirsan Golaha Wakiiladda.

Faysal Mahdi Cali ayaa ku haray wareega koowaad ee coddeynta kadib markii uu helay 3 cod, taas oo la macno ah in ay soo gudbeen Siciid Cabdi Muumin oo helay 28 Cod iyo Maryan Axmed Cali oo heshay 31 Cod.

Wareega labaad ayaa lagu kala bixi waayey markii ay min 31 cod ay kala heleen Saciid iyo Maryan, sidda guddigu doorashadda shaaciyey, taas oo qasab ka dhigtay in loo baahdo wareeg saddex oo coddeyn ah.

Saciid Cabdi Muumin ayaa ku guuleystay kursiga kadib markii uu helay 34, halka Maryam ay coddeeyeen 28 sharci-dejiyeyaal.

Guuleystaha ayaa isla goobta lagu dhaariyey. Hadal-jeedin uu madasha ka sameeyay wuxuu u mahadceliyey xubihii u coddeeyay, halka Maryam oo aqbashay in laga guuleystay ay u rajeysay wax-qabad.

Sikastaba, yagleelida xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha dowladda Puntland waa mid dastuuri ah, waxaana waajibaadkiisu tahay in uu u ololeeya dhamaan arrimaha ku saabsan arrimaha Xuquuqul Insaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM