Gudoomiyihii Mudug ee Puntland oo lagu dilay qaraxii Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland - Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur-yarre, ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerar iyo qarax Axada maanta ah ka dhacay waqoyga magaalada Gaalkacyo.

Saddex kamid ah ilaaladiisa ayaa lasoo wariyey in sidoo kale ay ku naf-waayeen falkaas. Hay'addaha ammaanka oo aan wali bixin tafaasiil dheeraad ah waxay sheegeen in ay dib ka fahfaahin doonan. 

Qaraxa galaaftay mas'uulka iyo askarta ayaa ka dhacay iridka hore ee xarunta gobolka. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in gaariga gudoomiyaha lagu dhuftay gaari NOAH la aaminsan yahay in ay sababtay qaraxa.

Falkaan ayaa kusoo beegmaya xilli hay'addaha ammaanka dowladda Puntland ay maalmihii lasoo dhaafey sameeyeen howlgalo lagu soo qabqabtay maleeyshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa aalaaba waxay fuliyaan weeraro nuucaan ah marka ay cadaadis kala kulmaan Hay'addaha Nabad-gelyadda.

Alle ha u raxmdee, Axmed ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland loo magacaabay bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay kadib wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland.

Bishii Maaj ee sanadkan, weerar is-miidaamin oo Al-Shabaab ay ka fulisay caasimadda Puntland ee Garowe ayaa lagu dilay gudoomiyihii gobolka Nugaal iyo sarkaal ka tirsanaa ciidamadda bileyska.

Laamaha ammaanka oo baaritaan qoto dheer ku sameeyay weerarkaas lagu tilmaamay mid argagixiso ayaa la filayaa in ay dhowaan soo bandhigaan eedeysaneyaal kala duwan oo lala xiriirinayo dhacdadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM