Gudoomiyihii maxkamada sare Puntland oo ku dhintay Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Alle ha u naxariistee waxaa magaaladda Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku geeriyoodey gudoomiyihii maxkamada sare ee dowladda Puntland.

Yuusuf Xaaji Nuur oo xanuunsanaa mudooyinkii dambe ayaa waddankaasi loo geeyay xaalado la xiriira caafimaad, sidda ay xubno kamid ah qoyskiisa u xaqiijiyeen Garowe Online.

Dr Nuur oo markii ugu dambeysay xilkan u magacaabey madaxweyn Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] bishii Agoosto 2016-kii ayaa xafiiska joogey muddo saddex sano ah.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in aas qaran oo madax kala duwan ay ka qeybgasho loo sameeyo.

Marxuumku oo dowlada Soomaaliya kasoo qabtay xilal kala duwan ayaa ahaa masuulkii ugu horeeyey ee loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland.

Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa bud-dhigayaashii Puntland, isagoona qabtay xilal kale oo muhiim ah, kuwaasi oo uu ugu qareemay horumarka dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM