Gu'jir oo u dhintay dhaawaca ismiidaamintii Al-Shabaab ee Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Cabdisalaan Xasan Xirsi [Gu'jir], gudoomiyihii gobolka Nugaal, ayaa u dhintay dhaawacii kasoo gaarey ismiidaamintii ka dhacday afaafka hore ee saldhiga booliska Garowe, caasimada Puntland.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, oo dhimashada xaqiijiyey ayaa tacsi u diray ehelkiisa.

"Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajucuun, Allaha u naxariisto Guddoomiye Abdisalam Xasan Xirsi, Gujir oo u dhintay dhaawac caaway ka soo gaaray qarax ismiidaamin magaalada Garowe ka dhacay," ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirku wuxuu intaas ku daray: "Illaahay Samir iyo imaan ha ka siiyo qoyskiisa, ehelada, Shacabka iyo Dowladda Puntland iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed".

Ibraahim Cumar Mahad-Alle, gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda gobolka Banaadir, ayaa sheegay in uu murugahada la wadaagayo mas'uuliyiinta Puntland iyo ehelada uu ka baxay marxuumka.

"Waxaan Tacsi tiiraanyo leh halkan si guud ugu marinayaa Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Dowlad goboleedka iyo Shacabka Puntland ee uu ka geeriyooday Alle Ha’u Naxariistee Gudoomihii Gobolka Nugaal Gudoomiye Cabdisalaan Gujir oo u geeriyoday dhaawac kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo ay argagixisadu caawa la beegsadeen," ayuu kusoo qoray Facebook.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa wuxuu midnimo u muujiyey qaraabada marxuumka.

"Waxaan ehellada, hogaanka iyo shacabka Puntland uga tacsiyeynayaa Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum C/salaam Xasan Xirsi (Gujir) oo u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkii is miidaaminta ahaa ee ay argagexisadu caawa kula beegsadeen magaalada Garawe isaga iyo masuuliyiin kale. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo ehaladiisa inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Aamiin," ayuu xusay.

Marxuum Gu'jir oo la filayo in berri la aaso ayaa kamid ahaa saddex qof oo ku dhaawacmay weerarkaas fiidnimadii Axada dhacay isla markaana ay dusha saarteen mas'uuliyaddiisa maleeyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM