Guuleed "Puntland shar uma soo wadno waana la xaajooneynaa" DHEGEYSO

Image

July 5, 2015 (GO)- Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu wada hadal la furo Puntland iyo Ahlu-Sunna.

Guuleed oo khudbad muddo 12 daqiiqo ah qaadatay jeediyey waxyar kaddib markii xilka madaxweynaha loo doortay, wuxuu sheegay in Galmudug qorshaha ugu jirin inay dhibaateyso maamullada deriska la ah gaar ahaan Puntland, balse taas beddelkeeda ay u muujin doonto walaanimo, nabad iyo deris wanaag.

"anagu haddaan nahay maamulka Galmudug ee cusub waxaan diyaar u nahay maamulka Putaland ee aan deriska nahay inaan kula dhaqano nabad iyo deris wanaag.... ma qabo marna in shar uga tegi doono dhanka Galmudug" ayuu yiri.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu wadahadal la furo Puntland si loo xalliyo khilafaadka jira, isagoo taas sharraxayana waxaa hadalladiisii kamid ahaa.

"Waxan diyraar u nahay wixii mad-madow ah ee jira ee u dhexeeya labada maamul inaan ku dhameyno wadahadal iyo wada xaajood"

Dhanka kale, wuxuu baaq u diray maamulka Ahlu Sunna isagoo ka codsadayinay soo dhoweeyaan maamulka cusub ee Galmudug, qaybna ka noqdaa horumarka socda.

Madaxweynaha Galmudug  wuxuu ugu dambeyntii bogaadiyey kaalintii firfircooneyd ee Ahlu Sunna ka qaadatay sugidda amniga gobollada dhexe iyo la-dagaalanka Al-shabaab, isagoo ku baaqay gogol nabadeed sheegayna inay wadahdal la furi doonaan culimada Ahlu-Sunna.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo horay usoo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya, waxaa lagu doortay doorasho shalay oo Sabti ahayd (July 4, 2015 ) ka dhacday degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM