Guuleed "Puntland shar uma soo wadno waana la xaajooneynaa" DHEGEYSO

Image

July 5, 2015 (GO)- Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu wada hadal la furo Puntland iyo Ahlu-Sunna.

Guuleed oo khudbad muddo 12 daqiiqo ah qaadatay jeediyey waxyar kaddib markii xilka madaxweynaha loo doortay, wuxuu sheegay in Galmudug qorshaha ugu jirin inay dhibaateyso maamullada deriska la ah gaar ahaan Puntland, balse taas beddelkeeda ay u muujin doonto walaanimo, nabad iyo deris wanaag.

"anagu haddaan nahay maamulka Galmudug ee cusub waxaan diyaar u nahay maamulka Putaland ee aan deriska nahay inaan kula dhaqano nabad iyo deris wanaag.... ma qabo marna in shar uga tegi doono dhanka Galmudug" ayuu yiri.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu wadahadal la furo Puntland si loo xalliyo khilafaadka jira, isagoo taas sharraxayana waxaa hadalladiisii kamid ahaa.

"Waxan diyraar u nahay wixii mad-madow ah ee jira ee u dhexeeya labada maamul inaan ku dhameyno wadahadal iyo wada xaajood"

Dhanka kale, wuxuu baaq u diray maamulka Ahlu Sunna isagoo ka codsadayinay soo dhoweeyaan maamulka cusub ee Galmudug, qaybna ka noqdaa horumarka socda.

Madaxweynaha Galmudug  wuxuu ugu dambeyntii bogaadiyey kaalintii firfircooneyd ee Ahlu Sunna ka qaadatay sugidda amniga gobollada dhexe iyo la-dagaalanka Al-shabaab, isagoo ku baaqay gogol nabadeed sheegayna inay wadahdal la furi doonaan culimada Ahlu-Sunna.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo horay usoo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya, waxaa lagu doortay doorasho shalay oo Sabti ahayd (July 4, 2015 ) ka dhacday degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM